Baarlamaanka Uganda oo Wasiirka Gaashaandhiga wax ka weydiinaya weerarkii B/Mareer

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii ururka Al-Shabaab 1-dii bishan ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer ee Gobolka Sh/Hoose.

Jacob Oulanyah Guddoomiye xigeenka Baarlamanka Uganda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u yeereen Wasiirka Gaashaandhiga, oo Mudanayaasha ay wax ka weydiinayaan weerarkii Buula Mareer, si loo helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo magacyada Askartii ku geeryootay oo idil.

“Waxay u baahan yihiin Shacabka Uganda inay ogaadaan qasaaraha weerarkii Buulo Mareer, Xukuumadda weli kama aanay hadlin, sidaasi darteed waxaan u yeernay Wasiirka Gaashaandhigga, si arrintan wax looga weydiiyo.” Ayuu yiri Guddoomiye xigeen Jacob Oulanyah.

Ciidamada Uganda oo weerarkaasi ka hadlay ayaa ku faanay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay wateen Al-Shabaab, sidoo kalena intii uu socday dagaalka ay ku qabsadeen hub Shabaab ay lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in weerarkii Buula Mareer ay ku dileen 59 Askari oo AMISOM ahaa, balse Dowladda Uganda oo dagaalkan uu qabsaday ciidankooda ayaa waxay beenisay warkan, waxayna sheegeen inay dileen 22 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale Dowladda Uganda ayaan weli shaacin khasaaraha dhabta ah ee Ciidamadooda ka soo gaaray weerarkii Buula Mareer, maadaama shacabka ay u baahan yihiin inay ogaadaan tirada saxda ah ee weeraraasi ku geeryootay.