Baaq…: Colaad waxay leedahay celin, ee caymis ma leh!

BAAQ;

Waxa dalka ka socda ma ahan, waxa isha laga fiirsan karo ama laga aamusi karo, marka qof walba, wixii karaankiis ah, maafiyada hororka ah, ee wax walba awood ciidan ku muquuninaysa ha ku la tacaalo.

135tii oday dhaqameed, ee soo xulay baarlamaankii 2012 iyo kan 2017, dhaqanka beelaha Muqdisho, madaxda maamul goboleedyada, ururrada rayidka, aqoonyahanka iyo waxgaradka bulshada waxaa saaran masuuliyad weyn, marka la fiiriyo marxaladda uu waddanku marayo iyo xaaladda ku soo korortay.

Dhammaan qaybaha bulshada waxaa looga fadhiyaa, in qolo walbaa kaalinteeda bulsho ka soo dhalaasho, iyadoo adeegsanaysa awooddeeda garasho iyo guddoon.

Yaan la fududeysan waxyaabaha dhacay iyo tallaabooyinka la qaaday. Dhammaan waxay ku arooraan hal waddo, oo la yiraa: COLAAD! Ogaadana, colaad waxay leedahay celin, ee caymis/n ma leh!

Ka qaybqaado badbaadinta dadkaaga iyo dalkaaga, oo ha u dayn doqonno iyo damiinno in ay dayacaan ama dumiyaan.

Mahdin.
Tixgelin.
Bashiir M. Xersi