Wararkii ugu dambeeyay xarunta golaha shacabka

Waxaa wali Cakiran xaalada xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo kulanka Baarlamaanka lagu iclaamiyay in uu ka dhaco.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaarkood ku sugan gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Sidoo kale xildhibaano kale ayaan u suurtagalin in ay gudaha u galaan xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in hoowlka Baarlamaanku aanay ku sugneyn Xildhibaano Badan.

Waxaa Xusid mudan in aanu ilaa iyo iminka furmin kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ku xadgudbay Dastuurka dalka sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada kale ee wada Mooshinka Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu xoog kula wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho sida ay yiraahdeen.