Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa haleelay Qarax Miino oo dhulka lagu aasay,iyadoo qaraxaasi uu sababay dhimashada 2-Askari, sidoo kalana waxa ku dhawaacmay qaraxaasi tiro klae oo intaas ka badan.


Wararku waxay sheegayaan in Gaariga qaraxa haleelay uu ahaa nooca loo yaqaanCabdi Bilaha, kaasi oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxu uu ka dhacay meel u dhaw Kontaroolka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka oo qaraxaan ku aadan.
Dhanka kale waxaa caadi noqtay in duleedka magaalada Muqdisho mudooyinkaan dambe ay ku soo badanayaan qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Dowladda oo iyagu inta badan isticmaala marida wadadaasi isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.