War Deg Deg ah: Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masjid ku Yaal Xaafadda Goday ee Degmada Kaaraan.

Waxaa Daqiiqado ka hor Xaafadda Goday ee Degmada Kaaraan ka dhacay Qarax xooggan,kaasi oo ay ku dhinteen dad fara badan.


Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Iridka hore Masjidka ku dhegan Iskuulka Goday ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qarxaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari Bl-ah oo ay dad saaran yihiin, waxaana la sheegay in dad ka badan 15-ruux.
Qaraxaan ayaa la sheegay kadib markii ruux saaran Gaari Caasi ah uu isku qarxay halkaasi,wuxuuna ahaa mid si weyn looga maqlaayay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale qarxaan ayaa sababay dhaawaca dad tira badan, iyadoo Masjika Goday uu soo gaaray Bur bur aad u wayn, waxaana goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Gaawaarida lagu qaado dadka dhaawaca oo halkaasi iminka ka wada howlo Gurmad ah.