Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho

Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka uu ku xadgudbay sharciga dalka .

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha uu xadgudub ku sameeyay amniga dalka kaddib markii uu Ciidan la galay Golaha shacabka taasna ay sababtay in kulankii maanta uu baaqdo.

Taliyayaasha Nabad Sugida Booliska Milatariga iyo Asluubta ayaa shir ku qabtay Magaalada Muqdisho,waxaana ay ku eedeeyeen in uu ciidan aan la isku ogeyn la galay xarunta Golaha shacabka.

Taliyayaasha Milatariga iyo Booliska oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan waxa ay ahaayeen Ciidamada uu maanta Jawaari ku qabsaday Xarunta Golaha shacabka.

Muhammed Hassan Warsame