Muqdisho: 25 Ardey oo ku sumoobay Jallaato ay cuneen

Ugu yaraan 25; Ardey ayaa saaka la geeyay Isbitaalka Keydsaney ee Degmada Kaaraan,kaddib markii Carruurtaas Ardeyda ah ay ku sumoobeen Jallaato ay cuneen xilliga nasashada Dugsiga.

Ardeydan waxaa ay dhigtaan Dugsiga Global ee Xaafadda Buulo Maaxaay ee Degmada Kaaraan,Inta badan Carruurtan waxaa ay ka sheegteen Beerka iyaga oo aad u matagaya.

Maxamuud Maxamed Xasan oo ah Maamula Iskuulka Global ee ay Ardeyda dhigtaan ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in carruurtaas uu hadda ku hayo Isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho.

Maxamuud waxaa uu sheegay in Carruurtaas oo ay da’doodu u dhaxeyso 11 ilaa 17 ay ku sumoobeen Jallaato ay cuneen Nuska saac ee ay Xiisadaha ka nasanayeen.

Xaaladda Caruurta ayuu sheegay in hadda ay kala duwantahay, iyada oo qaar ay xaaladdooda liidato halka kuwo kalena ay soo kabanayaan.

Waaliddiinta Carruurtaas ayaa hadda ku sugan Gudaha Isbitaalka Keydsaney ee Degmada Kaaraan,halkaas oo ay ka wardhowrayaan xaaladda Carruurtooda.

Maamule Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dad kale oo Jallaataas ku sumoobay iyaguna la  geeyay Isbitaalka halkaas oo hadda lagu dabiibayo.