Fariin ”Mudane Ninkaas madow doorkiisa adigaa lahaa!..”

Fariin ku Socota!

Mas ayaa galay qol bakhaar yar ah oo u lahaa nin fuundi ah. Markuu aadayo shaqada, ninka fuundiga ah alaabtiisa qaar oo uu minshaarkiisa ka mid yahay ayuu kaga tagi jiray miiska dushiisa. Maskii asagoo qolka wareegaya, ayuu dul maray minshaarkii, kadibna dhaawac yar ayaa gaaray. Maskii si uu minshaarkii u gaarsiiyo dhibaato,ugana aarsado ayuu qaniinyo kula booday, kadibna maskii dhiig baa ka daatay afkiisa dhaawaca qaniinyada ka soo gaaray awgiis.

Maska run ahaan ma fahmin waxa socda, balse wuxuu u qaatay in minshaarka uu yahay wax asaga weerar ku ah, kadibna qaniinyo kale ayuu ku dhuftay. Markii uu dareemay inuu dhiig baxay, ayuu haddana go’aansaday inuu weerarkii ugu dambeeyay qaado asagoo gebigiisaba ku duubsamay minshaarkii si uu u ciijiyo, balse dhiig bax kale ayuu ka qaaday, illaa jirkiisa oo dhan jarjarmo!

Fuundigii wuu soo noqday, wuxuuna arkay mas meyd ah, iyo minshaarkiisa iyo qolkiisa oo wada dhiig ah. Maska intaas oo dhan waxaa u geysay garasho la’aan iyo kibir.

Madaxweyne, adigaa dalka u sareeya, dagaal walba oo aad qof kaa hooseeya la gasho, waxaa waxaad isku deydaa inaad qofka kale maquuniso, muddo kadib waxaad ogaan doontaa inaad adiga keliya is dhaawacday.

Kuma lihi adigaa howshaan dillaaceeda ka mas’uul ah, laakiin maaddaama aad dalka oo dhan mas’uul ka tahay, xallinta waxa socda adigaa ka mas’uul ah!

Jawaari iyo Kheyre, qofba koox ayuu guddoomiye u yahay, adigaase heybadda dalka inaad ilaaliso ayaad mas’uul ka tahay!

Ninkaas madow doorkiisa adigaa lahaa!

Fariintii Hassan Adam Hosow