Falanqeynta Maanta: Goormaynu fahmaynaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladu?

Magaalada Muqdisho waxaa ka soo yeeraya Beesha Murusade halaga qaado xilka Raysal wasaare? Hadii kale dawlada waa duminaynaa? Inta caqliga noocaas ah dadka qaar aamin san yihiin

Anigu waxa aan ka hadlayo waa xaqiiq bal si fiican u eega kooxda diidan mooshinka laga keenay Guddoomiye jawaari.

Ragaa xildhibanada sheeganaya intooda badan isku beel maaha Guddoomiye jawaari.

waxay la qay linayaan khayre iyo beeshiisu uma qalmaan xilka Raysal wasaare.

Bal caqli xumada intaa le’eg xildhibaanka aaminsan waxa laga sugayo maxay tahay.

qabyaalada ayaa waxaa ay umada soomaaliyeed dhaxalsiisay wax aanan halkaan ku soo koobi karin, markii aan milicsaday xaalada ay dadka soomaaliyeed hada ku sugan yihiin, waxaa aan la yaabay! sida ay hada ugu heelanyihiin qabyaalada.

Bal xildhibaanka ciidan is daba wada oo u eg hogaamiye kooxeed sow wax la yaano maaha xasaanada uu sheeganayo maxay tahay

Waxaa nasoo maray intaas oo mooshin oo dad badan xilka looga qaaday maxaa keenay qayladan mooshinka jawaari laga dhigayo khayre ayaa khaldamay. ee dalka halaga qabto.

maxaad eeda looga lee xinayaa Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in uu xilka ka badalo Guddoomiye jawaari.

Tooshka sida Gaarka ah loogu ifinayo Raysal wasaare khayre waa Gardaro cad oo dhaqan xuma ah in.shaqsi lagu naco waa qabiil.kaa.

cudurka qabyaalada ku sii fidaya qalbiga

Xidjibaanada soomaaliyeed ayaan u aanaynayaa arin ka timid jahli iyo aqoon la,aan,
Kibir anigaa xaq u leh kursiga maxaa yeelay hadii ay yihiin dad wax uun aqoon ah leh sidaas may dhaqmeen.

Bal warbaahinta eega waxa ay Qorsyso xildhibaan.hebal ayaa ciidamo reer kiisa magaalada moqdisho keen sadey war waxaan sow maaha wax laga xishoodo.

Waxa igu qasbay inaa falanqeeyo xaalada mooshinka jawaari in koox xildhibaano ah ay. badaleen una badaleen hab qabyaalad ku dhisan

Marka aad Qoraalkan akhriso si fiican u eeg warbinada warbaahinta muqdisho waxa ay ka qorayso xildhibaanadan. Iyagu is mooday in Talada xukumada ku haystaan Raysal wasaare khayre. arinkan sow shaki ma keeni karo. Xildhibaanada waa 273 Qof maxay tahay 10 xildhibaan waxa ka maqan ee isku beesha ah.

shacabka isga horkeenaan iyagoo aamisan waa inaad fashilisaan xukumada khayre

Wax kasta oo dhacaya waa qadar ilaahay keenay ee dhaqan xumada kuwa wada dadka waan u tilmaamaynaa in qabyaaladu tahay dhaqan xun oo diinta islamku diiday.

Qore Danjire maxamed caalim.