C/Wali Muudey “Jawaari wuxuu Ciidamo keenay Xarunta Baarlamaanka, wuxuuna u jeediyay eedayn..”=Shir Jaraa’id=

Dhismaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa hareeyay Buuq fara badan, C/Weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo goor-dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedayn kulul u soo jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.


Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Muudeey ayaa sheegay in Mr.Jawaari uu ciidamo keenay Xarunta Golaha Shacabka,isagoo ku eedeeyay qal qal gelinta ammaanka Xildhibaanadii damcay inay kulanka ka qayb galaan.
Dhinaca Kale Xildhibaanada Garab taagan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Muudeey ku eedeeyay maanta mar sii horeysay adeegsiga awoodda Dowladnimada iyagoo sheegay inuu garab ka helayo Golaha fulinta ee Dowladda Soomaaliya.