Abdishakuur Ali Mire ”In gollaha shacabka maleeshiyaad lala soo galo khatarna la galiyo amniga iyo nolasha…”

Waxaa gurigayga ka tagey saacadu markay aheyd sideedii arroornimo si aan uga qeyb galo kulankii gollaha shacabka ee loo balansanaa inuu qabsoomo maanta.

Waan filayey markii xildhibaanadu guddaha iskugu tagaan inay ku murmi doonaan arrimo la xiriira sharciyadda motionka iyo qodobo xeer hoosaadka ka mida, sidoo kale waxaa la fili karey in la isku qabto cidda shirka gollaha gudoominaysa, maadama xildhibaanada motion ka keenay aaminsan yihiin in gudoomiye ku xiggeenka koowaad xaq u leeyahay inuu gudoomiye halka kuwa kalena diidan yihiin.

Hase ahaatee markaan gaaray xarunta gollaha, gaar ahaan albaabkii loo asteeyey in xildhibaanadu kasoo gallaan ayaa waxaa arkay xildhibaanadii oo banaanka tuuran gudahana aan u gudbeyn, markii aan waydiiyey sida waxa u jiraana waxaa la iigu jawaabey waxaa baarlamaankii guddaha u galay maleeshiyaad iyo ciidamo hubeysan oo la socdey gudoomiye Jawaari iyo ku xiggeenka labaad.

Waxaa sidoo kale wacay xildhibaano nasiib u yeeshay inay guddaha gallaan intaan Jawaari iyo Mahad Cawad maleeshiyaadka la galin gudaha waxay ii xaqiijiyeen inay guddaha ku jiraan ciidan hubeysan naftoodana ay u baqayaan.

Marna xildhibaanadu ma fileyn in qeyb xildhibaanada kamid ahi ku fakari karto inay baarlamanka hub lasoo galaan khatar amnina ku abuuraan xildhibaanada, waliba waxaa intaas ka daran cidda falkaas ku kacaysa markay tahay hoggaankii baarlamaanka ee sheeganaysay inay doonayso sareynta sharciga.

Arrinkaa markaa hubsadey waxaa sii weydiiyey qaar ka mida xildhibaanadii taageerayey gudoomiye jawaari sababta ay tillaabada ismiidaaminta siyaasadeed ah u qaateen, waxey iigu jawaabeen wadada kaliya ee aan ku hor istaagi karney in cod la qaado ayey noqotay inaan hub la galno gudaha.

Ugu dambeybtii waxay ila tahay in khilaaf kasta iyo kala arragti duwanaansho kasta aysan marnaba sababi karin in gollaha shacabka maleeshiyaad lala soo galo khatarna la galiyo amniga iyo nolasha xildhibaanadii shalay kuu doortay guddoonka aad u dagaalamaysid hayntiisa.