Maqaal: Muudey Ma Yaqaanaa Sharciga?

Golihi sharci dejinta oo laga filaayay inay waxuun ka yaqaniin sharciga lagu dhaqo barlamaanka haddii ay naqdaan kuwo ka arradan aasaaska aqoonta kuwaasoo laga sugaayo sharci dejin lagu dhaqo dalkaiyo danta ummadda. C/weli Muudey waxaa caddaatay inuusan wax aqoon ah u lahayn sharciga wuxuuna ismooday inuu isagu la wareegay howlihi guddonka barlamaanka oo dhan, kaddib markii MOOSHIN laga gudbiyay Gudd. Jawaari. Muudey wuxuu billaabay inuu shaqaalihi barlamaanka u arkay inay asaga u shaqeeyaan markuu doonana kala eryo karo, wuxuu doonana ku sameyn karo.

Mooshinka micnihiisu ma ahan inay awoodi guddoomiyaha halkaas ku hakatay waxaana sharcigu ka mamnuucayaa shir guddoomin iyo howlihi fulinta hadba wixi shaqada barlamaanta khuseeya. Muddey wuxuu isu heystaa inuu isagu la wareegay awoodi gudoomiyaha barlamaanka markuu billaabay inuu dad rukhseeyo ama u xildhibaanada ugu yeero ka soo qayb gal shir aan weli la ogeyn goorta uu dhici dono.…waryaa u sheega inuusan cidna shaqada ka joojin Karin, xoghayaha barlamaanka asaga uma shaqeeyo mana jirto awood sharciyan u fasaxeysa inuu shaqaalaha golaha kala fadli yeelo uu qaar soo dhaweysto qaarna shaqada ka joojiyo.

Mooshinka micnahiisu ma ahan inuu Guddoomiyihii shaqadi uu haayay ay dhammaatay uu Muudey howshi la wareegay!!! Waa yaab!!! Sanooyinki badnaa uu Muudey ka mid ahaa barlamaanadi Somaliya soo maray uu ka mid ahaa wax u kordhay uu ka bartay ma jiraan, wuxuuna weli ku nool yahay heerkiisi ahaa garasho la’aan iyo garaad yari u kulantay.

Xildh. Muudey shaqada aad qaban karto ee kaaga bannaan barlamaanka waa SHIR GUDDOOMIN xilliga mooshinka laga doodaayo, shaqo intaa dhaafsiisan ma jirto. Gudd. Jawaari ayaa shaqadi oo dhan mas’uul ka ah ilaa uu ka soo baxaayo go’aan lagu casilo ama uu ka badbaado khatarta loo maleegay.

MUUDEY & MAHAD MIODKOODNA MA GUDDOOMIN KARO SHIRKA BARLAMAANKA, waayoo waxay ka mid yihiinn qaybaha isku heysta dooda Mooshinka. Haddaba, si looga hortago dhibaatooyin waaweyn oo ka dhex dhaca barlamaanka, waxaan ku tali lahaa WAA IN MADAXWEYNE FARMAAJO SOO MAGACAABA QAALI AQOON FIICAN U LEH SHARCIYADA OO GUDDOOMIYA SHIRKA BARLAMAANKA SI LOOGA FOGAADO IS-QAB-QABSI &QALALAASI DHIBATO WEYN GELI KARA DALKA OO DHAN.

Xildhibaanada ku jira barlamaanka waa dad badankoodu leeyihiin aqoon ku filan oo ku hogaamin karta inay fiiriyaan danta dadka iyo dalka ee aysan ku mashquulin dhaqaalaha ka soo geli kara mooshinka. Dalkaan ha laga badbaadiyo Muudey iyo kuwa la midka ah oo u adeega dano shakhsiyadeed oon dalka wax dan ah u heyn.

Axmad Calasow