Dowladda Uganda oo qirtay in Ciidamo looga dilay dagaalkii ka dhacay Buulo Mareer

Dowladda Uganda ayaa si buuxda u cadaysay in Askar ka tirsan Ciidamooda oo ka mid ah Howlka Midow Africa ee Soomaaliya ay ku dhinteen Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Sh/Hoose.

Richard karemire Afayeenka military-ga Uganda ayaa Wakaalada AP u sheegay in Afar Askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay Buulo mareer, islamarkaana Afar kale ay uga dhaawacmeen.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in 22-ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay Dagaalkaasi ku dhinteen, iyadoo Al-Shabaab ayaa sheegtay in 14 ruux dagaalkaasi looga dilay,Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose.

 

Dhanka kale Afhayeenka Howlgaladda Al-Shabab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in 59 Askari ay AMISOM uga dileen weerar Qaraxyo iyo Dagaal toos ah isugu jiray oo Buulo mareer ka dhacay Axaddii shalay ahayd.