Diyaarado dagaal oo duqeeyay Deegaano ka tirsan Ceel-Buur oo lagu dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Wararka ka imaanaya Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay duqaymo la beegsadeen Saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab.

 

Maamulka Degmadda Ceelbuur ayaa sheegay in Duqaymaha lala Beehsaday Gaari iyo Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Ceel buur.

Gudoomiyaha Ceelbuur  Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Saldhigga Weerarku ka dhacay uu ka socday shir ay lahaayen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

 

Diyaaradaha Duqaymaha geysatay oo aan wali la ogeeyn Wadanka laga leeyahay ayaa ahayd nuuca loo yaqaan drones-ka, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye Nuur Xasan Guutaale.

 

Weerarka Duqayntu waxay ka dhacday meel Dhinaca koofur Galbeed 9-KM uga began tahay Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab ay maamulaan.

 

Dhanka kale weerarkaasi Ragga lagu Dilay qaarkood waxaa la sheegay in ay yihiin Raggii Dhinaca Wacyi Galinta u qaabilsanaa Al-Shabaab.