Muuse Biixi:”Dowlada Federalka waxay Dagaal kula jirtaa Heshiisyada aan la galnay Imaa..”

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumada madaxwayne Farmaajo ay dagaal kula jirto heshiisyada ay Somaliland la gashay dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada Dp World ee lagu wareejiyay maamulka dekada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa in qoraalka ay dowlada federaalku u gudbisay QM uusan ahayn mid ay kaga cabanayso Imaaraadka, balse ay Somaliland uga dan leedahay si heshiisyada looga noqdo.

“Waxay Xukuumada Xamar ka dhisan dagaal kula jirtaa heshiisyada aynu galno, waa niman aan ogolayn inaad shaqeysato” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen qoraalo ay kaga jawaab celinayaan codsiga dowlada federaalku u gudbisay QM.
“Uma dul qaadanayno waxay wadaan nimankaasi waynu kala go’nay oo howsheena ayaanu wadanaynaa, 100 sano ee soo socda waxay wadaa dowlada federaalku waa dhibaato ay dhex dhigtay jiilasha soo koraya” ayuu yiri Muuse Biixi oo shirkiisa jaraa’id ku soo aadayo xilli uu kulamo la yeelanaayay mas’uuliyiinta ugu sareysa Somaliland maalmihii la soo dhaafay.

Dhanka kale Xaalad siyaasadeed ayay dhaliyeen heshiisyada Somaliland la gashey dowladda Imaaraadka,iyadoo madaxwayne Farmaajo xukuumadiisa iyo xukuumada ka arrimisa deegaanada Somaliland xaalkooda uu yahay mid aad u kacsan.