Faa’iido intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ?

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aan isleeyahay ma jiro wax uga muhiimsan dadka Soomaalida ee maanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda. Mowduucan, Ayaa ku saabsan faa’iidada ay leedahay midnimada. Inta aan ku guda jiro qormadeyda, Waxaan ka jawaabi doonaan su’aasha aan cinwaanka uga dhigay qormada oo ah: Faa’iido intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi muhiimka, Aan marka hore ka waramo dadka Soomaalida iyo waxa ay isu yihiin, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta waxtarka ay midnimadu u leedahay dadka aan ka waramayo. Dadka Soomaaliyeed, Ayaa ah dad walaalo oo ay mideysay diin, dhalasho, dhaqan, af iyo waliba guur ixtiraam mudan. Waxa ayna isku leeyihiin xuquuqo badan oo ay diintoodu sugtay sida xaqul-diin oo kale.

Dadkani, Ayaa waxaa ka dhexeeyo walaaltinimada Islaamka ee macaanka badan. Waxaa sidoo kale ka dhaxeeyo qaraabanimo iyo xididtinimo aad u adag oo waliba qiimo badan ugu fadhida agtooda. Qaraabanimada iyo xididtinimadan, Ayaa ka dhigtay Bulshada Soomaalida mid isku-xiran oo dhinac walba iska kaalmeysa. Waana sababahaasi sababaha ay uga badbaadeen marxalado badan oo ay soomareen oo runtii kuwan ka dhib badnaa.

Waxaa sidoo kale ka dhaxeeyo luuqad aad u hodon ah walow waayadan la dayacayo, Ka dib markii ay bateen Soomaalida isticmaasho luuqadaha shisheeye sida Ingiriiska oo kale. Waxyaabahii aan soo sheegay ee muhiimka ahaa, Ayaa dadka Soomaaliyeed ka dhigay dad walaalo ah oo aan marno kala tagi karin duruuf kasta oo timadaba. Waxay sidoo kale waxyaabahaasi ka dhigeen Bulshada Soomaalida mid ka duwan dadyowga kale.

Laakiin nasiibdarro, Waxaa waayadan soo baxay dad Soomaali ah oo qaarkood horboodayo maamullo ka jira dalka sida maamulka Soomaaliland oo kale, Kuwaasi oo ku baaqayo in dalka la kala gooyo, Islamarkaana ay Soomaalidu kala tagto. Waxaa sidoo kale soo baxay Soomaali kale oo Iyagana cadowgii soo jireenka ah ku caawineyso sidii uu u kala dhantaali lahaa midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka hooyo, Iyagoo ku badalanyo waxoogaa maal iyo madaxtinimo aan raageynin !!

Anigu, Ma garanayo runtii waxa dad Soomaali ah ku xanbaari karo inay ku cayaaraan mustaqbalkooda iyo waliba mustaqbalka dalkooda. Waxan kaloo garaneynin waxa ka fiican midnimo iyo wadajir, Xilli la nool yahay waqti ay qolo walbaaba dooneyso koox ay ku tiirsato. Waxaana qabaa in diinta iyo xeerarka kale ee dalka la marsiiyo shaqsiyaadka, beelaha, kooxaha iyo maamulada ku baaqayo in la kala dhantaalo midnimada iyo madaxbanaanida dalka.

Ma weynan Diinteena noo baneyneynin inaan iska qabano shaqsiyaadka ku cayaarayo muqtaqbalka dalkeenna ? Ma weynan Diinteena iyo xeerarka kale ee dalka fasaxeynin in xoog looga hortago kuwa Soomaali kala qeybinayo, iyagoo isticaamalayo qabiil iyo deegaan, Islamarkaana cadowgii soo jireenka ah siinayo dhaqaalihii ka soo xarooday dakedaheena ? Horta, Dhulka dadka Soomaaliyeed, Ma waxaa iska beelo mise Soomaaliweyn oo dhan ?

Anigu, Runtii si adag baan uga soo horjeedaa in dalka la kala gooyo ama laga dhiso maamullo u dhisan hab qabiil. Waxaan kaloo ka soo horjeedaa jabhad hubeysan, urur iyo waliba is-kooxeysi ku dhisan aragti gaaban oo salkeedu yahay qabiil iyo deegaan. Maxaa yeelay, waxay waxyaabahaasi dhaawacayaan himilada Soomaaliweyn iyo kiyaankeeda. Sow lama oga in Soomaaliya ay la mid tahay tun Sagaaro oo kale ? Sagaarona aysan lahayn tun la qalo ?

 

Haddii aan dib ugu soo laabto su’aashii aan cinwaanka uga dhigay qordameyda ee ahayd: Faa’iida intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ? Jawaabtu waxaan leenahay waxtar weyn ayey midnimadu u leedahay dadkaasi, Anigoo waliba faahfaahin doona arinkaasi, Islamarkaanan u keeni doonno dalaa’il fara badan. Walaalayaal, Midnimadu waxay leedahay fawaa’id fara badan maadaama ay astaan u tahay guul iyo gobonimo.

Maadaama dadka Soomaalidu ay yihiin Muslimin, Hadabo waxaa waajib ku ah inay midoobaan siduu Alaahba ku amrayo Qur’aankiisa Kariimka. Alaah, Waxa uu ku yiri Suuratu Al-cimraan, Gaar ahaan aayadda 103-aad hadalkan qiimaha badan “Qabsada xariga Alle dhamaatiin hana kala tagina”. Aayad kale, Waxa uu ku yiri sidatan “Ilaah adeeca iyo Rasuulkiisa, Hana murmina oo aad markaasi fashishaan, Ka dibna ay awooddiina kala takto” (Anfaal 46)

Aayadahan, Waxaa laga qaadanayaa in midnimadu ay tahay waajib diini ah oo aan marna laga tagi Karin. Halka ciddii ka taktaana ay ku danbaabeyso. Sidee uga tageysaa amar Alle, Adigoo waliba sheeganayo muslim ?  Waxaa kaloo aayadahaasi laga qaadanayaa in fashilkuba uu yimaado marka la is-khilaafo. Bal fiiriya waxyaabaha maanta ka dhacayo dalkeenna ? Haddii ay Soomaali manta mideysnaan lahayd, Ma dhici lahaayeen waxyaabaha eegga dhacayo ? Kallaa wallaahi

Waxaa sidaasi oo kale midnimada amrayo Nabigeena (SCW). Bal ila eega xadiithkan qiimaha badan “Ilaahay waxa uu raali idinkaga noqday sedex arimood. Waxa uu idiin nacay sedex kale. Alle, Waxa uu raali idinkaga noqday inaad Isaga caabuddaan oo aydan u shariik yeelin, Waxa kalo uu raali idiinkaga noqday inaad xarigiisa qabsataan oo aydan kala tagin”.  Xadiith kale ayaa ahaa” Waxaan idin amrayaa midnimada, Waxaana idinkaga digayaa kala-tagga ”

Haddii aan wax ka iraahno dhanka suugaanta Soomaalida oo runtii kaalin weyn ku leh hab-nololeedkeeda xilli kasta oo la joogo, Waxaad arkeysaa boqolaal gabay iyo boqolaal maahmaahyood oo dhamaantood boorinayo midnimada iyo wadajirka. Bal aan soo qaadanno gabaygan ka hadlayo qiimaha midnimada “Tabantaabay labo gacmood tabar ku yeeshaane, Tiiska waxaa la qaadaa markii ay tiirisaa bidixe, Haddii ay midigtu kali taagan tahay tahar ma goyseene”

Dhanka maahmaahyada Iyagu ka sheekeyn ma leh, Maxaa yeelay waxaa jira boqolaal maahmaahyood oo dhamaantood ka waramayo waxtarka ay midnimadu leedahay. Tusaale ahaan, Soomaalidu Waxay tiraahdaa “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”. Waxaa kaloo ay tiraahdaa “Wadajir baa lagu warweyn yahay” Iyo mid kale oo Iyadana oroneysa “Shan nin oo isku-talo ah, Hal shansho ayaa ka baxdo, halka shan nin oo aan isku-talo ahaynna ay ka baxdo shan shansho”

Nusuustii diiniga ee aan soo daliishaday iyo waliba murtidii Soomaaliyeed ee aan soo xusay, Dhamaantood waxay ka hadlayaan faa’iidada ay midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda oo runtii waayadan wajahayo taxadiyo qatartooda leh, Kuwaasi oo ka imaanayo gudaha iyo dibadaba sida faragelin shisheeye oo kale oo ay horboodayaan dowlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka.

Midnimadu ma’ahan amar Alle oo la fulinayo oo kaliya, Ee waa wax u wanaagsan khaliqiyga oo dhan oo ay ku jiraan xitaa xayawaanka. Tusaale ahaan, Marka aad umad ahaan u mideysan tahay ayaad awooddaa inaad sameyso horumar baaxad leh oo dhinac kasto ah. Laakiin marka aad qoqoban tahay waxba ma awoodid sida hadaba taagan. Bal fiiriya xaalkeena. Farqi, Ma u dhaxeeyaa sidii aannu ahaan jirnay markii aannu mideysneyn iyo sida aannu maanta nahay ?

Walaalayaal, Midnimadu waxay abuurtaa xoog iyo awood difaaci karto diintaada, sharafkaaga, kheyraadkaada iyo waliba guud ahaan dalkaaga hooyo, Gaar ahaan marka laga soo weeraro gudaha iyo dibadaba. Waana sababtaasi sababta ay midnimadu mar walba waxtar ugu leedahay khalqiga oo dhan. Ma xayawaankaan ka liidannaa marka aannu diideyno midnimo iyo wadajir ? Maxaanse ku difaaci karnaa dalkan uu hujuumka ku socdo ?

Shalay, Waxaanu baadigoobeynay Soomaaliweyn iyo inaan soo celinno dhulkii iyo dadkii maqnaa, Maantana awaxaan ka hadleynaa midnimaxda intii xorta ahayd ee aanu ka saarnay gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga. Sow wax laga xumaado ma’ahan in dad Soomaaliyeed ay maanta ku baaqayaan in la kala googooyo dalkii aasaaska u noqon lahaa raadinta intii maqneyd ? Sow wax laga ooyo ma’ahan inaan gadaal u guurno halka uu asaaggeena horay u guurayo ?

Sow lama oga inay daris nala yihiin labo cadow oo dhul iyo dad naga haysto, Kuwaasi oo tirada dadkoodu ay ka badan tahay boqol milyan oo qof, Mise kuwaasi cadow looma arko? Ma waxaa la qaatay aragtida Faysal Cali Waraabe iyo kuwa la midka ah ? Sow Lama oga in Kenya ay waayadan waddo dhul-boob cusub oo isugu jira dhinacayada badda iyo barigaba ? Mise indhuhu waxay ku jeedaan gudaha dadka Soomaalida iyo qabyaaladdan na dilootay  ?

Sow lalama socda in Xabashida ay bilaash ku eleyso 19% dhaqaalaha ka soo xarooda dekedda Berbera, Ka dib markii ay arinkaasi u fududeysay shirkadda DP world ee laga leeyahay duweylatu Imaaraad, Xageedse ku aragteen heshiis noocaasi ah ? Ma weysan boob ahayn waxa ku socda dekedihii dadka Soomaliyeed ? Mise dalnimo iyo dadnimo waa laga tanaasulay oo qof walbaaba waxa uu doonayaa wax uu cuno. Inaa lilaahi waa innaan ilayhi raajicuun.

Anigu, Ma qabo runtii In midnimo la’aanteed lagu sii noolaan doono sharaf iyo qabkii lagu yaqiinnay dadka Soomaalida ah. Sidoo kalena, Ma qabo in wadajir la’aantii dalkan laga difaaci karo shisheeyaha waayadan soo dhigtay sida duweylatu Imaaraad oo kale iyo waliba kuwa hoosta ka riixayo. Waxaana aaminsanahay in midnimadu ay xal u tahay dhammaan dhibaatooyinka jira sida faragelinta shisheeye oo kale.

Ugu danbeyn, Waxaan ku talinayaa in lagu dadaalo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaalida, Si looga badbaado duufaanadan soo socda ee aan badbaadin doonin qabiil, deegaan, koox iyo waliba maamul. Waxaan kaloo ku talinayaa in wadahadal lagu dhameeyo dhammaan waxyaabaha u dhaxeeyo dadka Soomaalida ah si looga baxo gaajada, dawarsiga shisheeyaha, jahliga iyo waliba dowlad la’aanta soo socotay mudada sodonka sanadood ah. Ha is-raacdo Soomaaliweyn.

W/Q: Maxamed Ibrahim

Iidka1@hotmail.com