Hala yaabin magaalada Duuleysa!!!.

Dhacdadii lagu arkay tuulada qoryaale oo u dhaw degmada Jalalaqsi, Bishan Marso 2018, arrintaa qof ahaan beeni maayo. Sabab?

Hore ayaa loogu arkay Somaliya iyo meela kale, sida Nageria, US, UK, iyo China.

Muddo laga joogo in ka badan 20 sanno, annaga oo galab joognaa magaalada Ceel Baare ee degmada Galcad oo dhinaca barri uga toosan Jalalaqsi, ayaa mar kaliya waxaan aragnay magaala duuleysa oo ka soo muuqatay dhinaca waqooyi inta u dhaxeysa ceel Xaaji iyo Qorac Baal dheere una socota dhinaca koofure, magaalda ceel baare dadkii oo dhan waxa ay u dhaqaaqeen buurta dhinaca bari uga toosan galcad, xattaa eedadey Xaliima Xaaji iyada oo yaambadeedii wadata ayeey beerteedii ka soo carartay.

Daqiiqada kadib magaaladii waxa ay u gudubtay dhinaca koofur bari ee xiga masagawaay.
Alaah ayaa naga og waxa ay aheed, waqtigaana ma jirin agteena qof heeystay telefonadan casigaa ee wax sawra.

Intaa ayaan ka xasuustaa dhacdadaa,kuwa kale ee dunida lagu arkayna qoraalo ayaan ka aqriyay.

Waa dhici kartaa in ay tahay tijaabo culumada saynisku ay wadaan , ama in iftiinka qoraxdu qabtay magaalo kadibna reflekshankii uu daruuraha ku dhacay, ama wax kale oo aanan ogeyn annigu.

Qore: Yahya Amir.