Falanqeynta Maanta: Xidhibaanadu cod haku kala baxaan si mooshinku sax u noqdo.

Kullan looga hadlayey sida uu ka yeeli lahaa mooshinka xooga weyn ee xilka looga qaadayo Guddoomiye jawaari ayaa shalay wuxuu isugu yeeray inuu saxiibadii kala tashado go’aanka ugu dan beeya waxa uu ka yeeli lahaa arinkan. Mooshinka ee sii adkaanaya.

Dhaqanka siyaasiyiinta afrika markay waqti dheer siyaasada ku jiraan waxaa ku adkaata in si fudud uga fadhiistaan siyaasada

Waxaa dad badan is waydiinayaa 73 jir oday jawaari sow ma oga inuu gaaray waqtigii uu nasan.lahaa.

Waxaan wada ognahay in Guddoomiye Jawaari uu hore u ogolaadey in codka kasoonida loo qaado oo Kuwa mooshinka ka keenay wuxuu arinkan war baahinta u sheega Mar 17 2018

Wixii markaa ka dan beeyey arinkaa qaadida mooshinka isaga iyo xildhibaanada saxiibadii ah way kagaab sadeen. Waxa iska badalay mooqifkaa hore lama garanayo.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa loo diiday in uu ka hadlo TV Qaranka iyo Radio Qaranka

waxaa laga xiray in uu isticmaalo dhaqaalaha bangiga u yaalay Golaha shacabka waxaa la amar inuu ku ekaado hoygiisa. Waxaa kaloo la amray in aanuu taliyaasha ciidanka aamarsiin karin. Sow in la is waydiiyo mahaboona

Maxaa keenay in intaas oo amar ah la dul dhigo. Waxa aan ka falanqeynayaa waa wax xaqiiqa ah oo jira

Isagaa ogolaaday in mooshinka laga keenay sharci yahay oo ku xigeen kiisa inuu awooda la wareego sharciyeeyey.

Marka xaqiiqda laga hadlayo iyadoo shacabku arkayaan inta uu gaar siisan yahay mooshinka laga keenay guddoomiye jawaari

Sidee u aragtaa in warbaahinta la siiyo wax xaqiiqda ka fog oo ah Guddoomiye jawaari wuxuu shir gudoomiyay kulankii gudiyada Joogta ah ee Golaha shacabka, shaqadiisii caadiga ahayd ayuu dib u bilowday.

haqanka noocan ah dadkii astaanta u ahaa sharci dajinta hadey sidan u dhaqmayaan sow maaha in wax badan la iska waydiiyo in wax ka khaldan yihiin Guddoomiye jawaari. Waxaa. Ku qasbaya dhaqanka fawdada ah.?

maalinta sabtida ah waxaa kulan isugu imanaya 198 xildhibaan oo mooshin ka wada Guddoomiye jawaari .marka ay arinkan dhacdo ma waxaa la oran sharci maaha. Xildhibaanada intaa le’eg.

Madax adeeg iyo qar iska tuur wax na u tarimayso guddoomiye jawaari waa in uu dadka badan go’aan kooda tix galiyaa. waa sida xaqiiqdu tahay

waqtiga la joogo. Guddoomiye jawaari awood uu isaga celiyo malaha madaxwayne iyo Raysal wasaare wada socda .iyo wasiiro xildhibaano diidan.

waxaa kaloo iska cad in aqalka sare xildhibaanadoodu intooda badan ay jecel yihiin in jawaari meesha ka baxo.

Iyagoo Caqabad kala kulmay wada shaqeeyn talabada gole. oo eeda saaraya guddoomiye jawaari.

Anigu waxa aan Falanqaynayo waa hadal xaqiiqda u dhaw oo aan ogahay in dad badan oo siyaasada ku jiraa dhibsadeen dhaqanka adag ee Guddoomiye jawaari.

Waxaa Kaloo muuqata in hadda Khilaafka u dhaxeeya xildhibaannada golaha Shacabka ee labada kooxood ee iska soo hor jeeda
uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay .oo ah in la bur buriyo dhamaan xeer hoosaadkii golaha Shacabka.

Maxaa haray oo dhiman suurta galmaaha in hal Qof dantii wadanka oo dhan loo bur buriyo.

Hadii la cadeeyey in guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare uu soo saaray wareegto lagu kala dirayo guddigii uu u xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kaddib markii ay ku guuldareysteen waan waantii ay ka dhex wadeen labada dhinac. ee is hayey

Waxaa lagaaray waqtigii xildhibaanada cod lagu kala saari lahaa meesha uu jiro mooshinka saxda ah. Iyadoo cadaalada iyo sharciga la ilaalinayo.

Danjire: Maxamed Caalim