Sacad Cali Shire”Soomaaliland waxay xaq u leeday ka ariminta Dhulkeeda, Hawadeeda iyo Baddeeda..”

Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay iyo kuwa ay gali doontaba.

Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiir arrimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dacwadii ka dhanka ahayd Dowlada Imaaraadka iyo shirkada laga leeyahay dalkaasi DP World, waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha maamulka hawada, wuxuuna sheegay in Soomaaliland hawadeeda ay u madax banaan tahay.

Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala, wuxuuna tilmaamay in uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Dhanka kale Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xiriiray arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga shirkada DP World, wuxuuna sheegay in Soomaaliland ay xaq u leeday ka ariminta Dhulkeeda, Hawadeeda iyo Baddeeda.