Muqdisho oo lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidama amaanka dowladda soomaaliya ayaa xalay degmada wadajir ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga xashiishka iyo sido kale hub isugu jiro bastoolado iyo qoryaha AK47-ka.

howlgalkaan oo dhacay xalay xili waqti danbe ah ayaa ciidamada amniga degmada wadajir waxey ay ku qadeen ragaas oo mararka qaar geysan jiray dhac sido kale ka ganacsada waxyaabaha manka dooriya.

Gudoomiyaha amniga iyo siyaasada gobalka banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaaa ugu baaqay kooxaha maandooriyaha isticmaala inay ka waantoobaan falalkaan foosha xun.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sido kale ugu baaqay ciidama amniga iney la socdaan kooxahaasi si looga adkaado iney gudaha magaalada muqdisho ka iibiyaan waxyaanaha maanka dooriya.

maalmihii u danbeeyay ayaa guud ahaan dalka waxaa ku soo batay maandooriyaha kuwaasoo ganacsi loo keeno halka kuwa kalena lagu sameeyo dalka, ayna soo bateen soomaalida isticmaasha.