Baarlamaanka oo ka hadlay qarax lagu dilay mid kamid ah Shaqaalahooda.

Qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa looga hadlay geerida Cabdi Xaafid Yuusuf Ibraahim oo kamid ahaa Howlwadeenada Golaha Shacabka.

Cabdi Xaafid ayaa fiidkii hore ee xalay ugeeriyooday Dhaawac daran oo ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa, Waxa uu xiligaas marayay laami yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir.

Marxuumka ayaa gaarigiisa waxaa xiligaas la saarnaa laba qof oo kale kuwaas oo la sheegay iney Qaraxa ka badbaadeen maadaama ay eheyd miinada Nooca Dhejiska loo yaqaano oo lagu xiro kursiga qofka bartilmaameedka ah.

Qoraal lagu faafiyay Barta Golaha Shacabka ee Facebook ayaa looga tacsiyadeeyay Ehelada Marxuumka oo ay sheegeen inuu kamid ahaa howlwadeenada Baarlamaanka.

Qaar kamid ah ehelada Cabdi Xaafid Yuusuf Ibraahim ayaa warbaahinta  u sheegay inuu dalka yimid markii uu soo dhameystay Waxbarashadiisa oo uu ka soo baxay Jaamacdo ku yaala Magaalada Khartuum ee Caasimada Dalka Sudan.

Marxuumka geeriyooday, waxa uu darajada Koowaad ee Jaamacada ka diyaariyay Qaanuunka, isagoo ka bartay Jaamacada Caalmiga ah ee Afrika, Darajadiisa labaad ee Masterka Jaamacada, waxa uu ahaa Maamulka Maareynta Dhaqaalaha (MBA).

Waxa uu ahaa Qareen ushaqeeya Golaha Shacabka, Sidoo kalena la shaqeeya hay’ado caalami ah oo ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Marxuum oo ka soo jeeda Boosaaso, ayaa meydkiisa la filayaa in maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho.