Xildhibaan lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho…

Xalay fiidkii waxaa Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir lagu dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Ruqiya Abshir Nuur oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay dableydu toogteen xilli ay kasoo baxday Farmashi ku yaalla isgoyska Maanaboolyo ee Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska Degmada Shibis ayaa sheegay in dableydii Xildhibaanada dishay ay goobta ka baxsadeen isagoona intaa ku daray in Xildhibaanad Ruqiya dhaawac ahaan goobta looga qaaday balse markii dambe ay ku naf baxday goobtii caafimaad ee la geeyay.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax lagu dilay gudaha Degmada Walaweyn Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo Wasiiru Dawle ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.