Xasaradaha iyo xaalad-abuurka siyaasadeed iyo amni ee aynu ku xiiqnay

Waxaynu maqaal hore ku soo sheegnay in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xargo badan oo isku murugsan oo isugu jira kuwo ay iyagu shirarkii loo qabanayey isku xirxireen iyo heshiisyo caalami ah oo ay ugu dabran yihiin quruumo ka awood roon. Dabadeed waxaynu isweydiinay maxaa hortaagan in aynu iska furno xargahaan innaga isku keen dabraya ama dadyow kale inoo dabraya?. Qormadaan ayaynu arrintaas ku eegaynaa.

Haddii dad wacyigoodu hooseeyo ama aan iyagu isku kalsoonayn isku dayaan inay shirqoolada iyo siriqda loo dhigay ka baxaan waxaa la galiyaa xasarad, xaalad-abuur iyo mashaakil joogto ah mar kasta oo uu muuqdo fakar xor ah ama isku tashi ama horumar ama la diido waxaan daw ahayn, waana sida ay muddada dheer soomaaliya ku jirtay.

Xasaradaha iyo xaalad-abuurka joogtada ah ee soomaali lugu mashquuliyo ama ay iyadu isku mashquuliso waxaa ka mid ah:

1. Alshabaab ayaa qaraxyo waaweyn samaysay ama magaalooyin qabsatay. Marka xaalad amni oo noocaan ah ay soo kororto wax walba oo gacanta lugu hayey waa in la joojiyo oo muddo lugu mashquulo raadka dhibaatada dhacday. Tan kale marka dowladda iyo qolo kale isqabtaan ama dowladda lafteedu isku murugto in ilaalinta amniga laga mashquulo iyo in qolo ay Shabaab wax la fududayso labaduba waa sahlantahay.
2. labo dowlad/goboleed ama labo qabiil baa diriray. Marka xaaladdaan dhacdo waa in dowladdu kala celintooda ku mashquusho ama lafteeduba kala safato oo iyana isku sii mashquusho oo wixii la hayeyba la joojiyo.
3. labo ciidan oo dowlada ah ayaa islaayey. Taa macneheedu waxaa weeye shaqadii ay hayeena joogsatay, dowladdii ama ugu yaraan ciddii ay khusayseyna mashquuliye.
4. federaalka iyo dowlad/goboleedyada ayaa is haya oo ay dhici karto in quwada shisheeyena ku lug leeyihiin oo muddo dheer la isa surnaado, wixii dalka loo qaban lahaana meesha ka baxaan.
5. madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayay ka dhextaagan
tahay oo labada xafiisba dagaal hoosaad ku mashquulaan, golayaasha shacabka iyo sarena la kala saftaan, dadweynuhuna la mashquulo.
6. baarlmaanka iyo golaha wasiirada ayaa isku kacsan oo lagdanku noqdo laba saf oo ballaaran oo aan shaqo kale dalka ka socon ilaa qolo daadka la raaciyo ama beesha caalamka kala celiso.
7. mayee xukuumada iyo mucaaradka ayaa kala taagan oo waliba mucaaradkaas ay ka mid noqon karaan golayaashii shacabka iyo aqalka sare oo ay isku shaqa seegaan.
8. labada aqal baa is khilaafay oo labo magac oo waaweyna wata, labo hoggaana kala leh, haba ugu darnaato markay wax nidaam u eg isku qabsadaan.
9. mooshin baa yaal iwm!. Kani waa meesha ugu mac ee dowladda qaybeheeda iyo dadweynahaba lugu shaqo seejiyo, dowlad ama hay’ad walba oo ajnabi ah oo dan lehna ay daneheeda ku gaari karto.
10. Soomaali iyo qolo kale ayaa is haya oo dowladdu la kala safan tahay ama dowladda iyo laananku la kala jiraan.

Xasarada iyo xaalad-abuurku waxay dadka ku mashquuliyaan dhacdooyin iyo mashaakil loo sameeyey oo markay mid ka baxaanba mid kale loo allifayo, waxayna ka mashquuliyaan inay wax qabsadaan ama dhib haysata iska xalliyaan ama si qumman u fakaraan.

Bulshada wacyigeedu hooseeyo way u dhaga nugushahay dicaayadaha, isku dirka iyo xaalad-abuurka, si dhib yar ayaana loo burburin karaa, wixii la doonana looga fushan karaa waliba iyagoo isla wanaagsan, taasina waxay keenaysaa inay dadaal dheeraad ah bixiyaan dadka leh aqoonta, wacyiga sare, xog-ogaalnimada iyo khibrada, dadweynahana waxaa la gudboon inay mawduuc walba uga dambeeyaan cidda mudan.

Si gaar ah hoggaanka siyaasadeed waxaa la gudboon in aanay ka qaybqaadan xasarad samaynta, xasarad iyo xaalad loo abuurayna aysan ku mashquulin ee ay isha ku hayaan xaqiijinta qorsheyaashii u yaaley iyo fulinta shaqadooda aasaasiga ah, ayna juhdiga iyo waqtiga ugu yar galiyaan ka hortagga iyo xallinta mashaakilka lugu mashquulinayo.

Gabagabadii si loogu gacan bannaanaado in xargaha la iska furo iyo in horumar loo hinqado dalka iyo dadka ha laga daayo xasarada iyo xaalad-abuurka. Haddii kale awooddii ummadda wax loogu qaban lahaana way isku burburin, cadowga dhaw iyo kan fogna inta la isku mashquulsan yahay ayay ka faa’iidaysanayaan.

Waxaa Qoray: Sh. Axmed Cabdisamad