Howlwadeenadii ka shaqayn lahaa Xafiiska Saadaasha Hawada  oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO ee magaalada Nairobi, shaqaalahaas oo dib ugu shaqa bilaabi doono Xafiika waaxda Hawada ee Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqaalahaan ay yihiin kuwo Khibrad u leh arimaha maamulida Hawada oo ay ka shaqeynayeen muddo aad u dheer oo ka badan dhowr iyo labaatan sano.

Dhank kale Shaqaalahaan horay ugu shaqeynayay Hawada Soomaaliya oo laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa imaanaya xilli dhamaadkii sandkii hore ay la soo wareegtay Dowlada Soomaaliya Maamulida Howlaha Hawada.