Shirka dib u heshiisiinta Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Maanta waxaa Xamar ka furmay shir xal looga gaarayo mushkilada ragaadisay Gobolka Shabeelada Hoose.

Shirka ay soo agaasintay wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka waxaa madasha fadhiya, Gudoomiyaha Aqalka sare, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Raisal wasaaraha Federaalka, wasiirka arimaha Gudaha iyo sidoo qeybaha beelaha walaalaha ah ee ee dirirtu dhexmartay.

Madaxweynaha ayaa 10kii maalmood ee la soo dhaafay si isbada-joog ah xafiiskiisa wasaarada Gaashaandhiga ugula kulmayay wax garadka labada beelood ee walaalah ah .

Xalka laga gaaro colaada Shabeelada Hoose waxay wiiqi doontaa haraadiga Alshabaab oo ka dhex faaiideysanayay colaada qabaailka, waxay kaalin weyn ka qaadan kartaa sidii Shabaab looga xoreyn lahaa Shabeelada Hoose, waxaanan ku rajo weynahay in laga gaari doono xal buuxa oo waara, si la mid sidii dowladu xal uga gaartay dib u heshiisiintii Galmudug State .