Muudey ”Wali madaxweyne Farmaajo Ma saxiixin Mamnuucidii shirkaddii DP World, Maxaa sababay…”

Mamnuucidii Golaha Baarlamaanka ee Shirkaddii Emarats wali masaxiixin heer madaxweynenimo Madaxweyne Farmaajo waana arrin ubaahan in aan wax iska waydiinno.

Maxaa keeni kara in uu saxiixi waayo Madaxweyne Farmaajo wareegtadii looga mamnuucay dalka shirkadda DP World ?

Waxyaaba badan oo keeni kara in madaxda dalka ay ku qanacsanaayeen Shirkadda DP World ayaa muuqata waana ayaan darro in shacabka lagu jahwareeriyo waxyaabo madaxdu daacad ka ahayn.

Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqayaa In uu dhamaystiro saxiixa shirkadda carbeed ee laga mamnuucay dalka uuna nala wadaago maadaama uu saxiixiisa kaliya uu kadhiman yahay.

Waxaad ogaataan walaalayaal in wali madaxdeenu daacad ka ahayn waxyaabaha uu ku suganyahay dalkeena mana jirto wali wax daacad laga wada yahay oo aan madaxdeenu ku garab taagnaano.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa In aysan kagaabin kahadlidda waxa Hogaankeena uu wali usaxiixin mamnuucidda shirkadda DPworld oo wali ay kadhimantahay saxiix Madaxweyne taasoo lamacna ah haduusan saxiixin in ay shirkaddaasi wali ufurantahay joogitaankooda Dekedaha dalka.

Soomaaliya ilaah baa umaqan !
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey.