Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo Gudoomiye Muudeey ku eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka eheyn Mooshinka.

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Waxaa maanta ku shiray Xildhibaano 1000 gaaraya oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada oo sameysta Guddi ay ugu magac dareen Badbaadada Baarlamaanka ayaa waxaa Gudoomiye u ah Ra’iisul Wasaare kuixgeenkii hore ee Dalka Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, Waxeyna soo saareen bayaan ay ku cadeeyeen in Gudoomiye C/Wali Muudeey uusan dhex dhexaad ka eheyn xal uhelista Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Waxa ay sidoo kale fariin udireen Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ku eedeeyay iney faragalin ku heyso baarlamaanka, ayna tahay iney ka joogsato.

Guddiga Badbaadada Baarlamaanka ayaa sheegay in Gudoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Sheekh Muudeey aanu go’aamin karin Xiliga ay tahay in Codka loo qaado Mooshinka ka dhanka ah Jawaari, Waxey soo jeediyeen in la badalo Muudeey oo la helo Gudoomiye dhex dhexaad ah.

Guddigan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Go’aamadii shalay ka soo baxay Aqalka Sare, Waxeyna taageereen waqtiga Aqalka sare ay ku sheegeen iney tahay Cod uqaadista Mooshinka ee 28-ka Bishan.

Ugu Danbeyn Xildhibaanada 100-ka Gaaraya ee dhex dhexaadka ka ah Khilaafka Golaha Shacabka ayaa baaq ku diray in Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka yeeshaan Kulan degdeg ah oo arintan lagu soo afjaro, Waxeyna kulankaas sheegeen iney tahay iney goobjoog ka ahaadaan Xildhibanaada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.