Falanqeyn Maanta: Kooxda Qaran – Qabiil Qayladooda ha maqlin

Shacabka soomaaliyeed koox yar oo ku dhex jira ayaa maalinba shaati u xiranaysa bulshada soomaaliyeed iyagoo ku dhex dhuumanaya Qaranimo soomaaliyeed oo been ah dhibaatada Qayaaladu keen tay ee 4.5 aan wali good ka banaan bixin.

Waxa shacabka soomaaliyeed dhexdooda kala gaartay dhibaato way oo aan wali laga heshiin kooxda waji Qaran Qabiil.kama had la’aan wax dib u heshiiseen soomaaliyeed

Dhibaatada dawlad la’aantu keen tay 27 sano oo wali ay muuqdaan dhibaato soomaali kala dhextaal dadka wax garadka ah wali wax weyn kama qaban.

Qaranimadan wajiyada badan oo marba marxalad cusub u sii gudbaysa hada waxay maraysaa in. Madaxda dalka ugu saraysa eeda dusha laga saaro iyadoo loogu dhuumanayo
Qabyaaladan wajiyada badan ee marba sida la doono loo isticmaal

Qaranimada umada soomaaliyeed yaa ka masuula? Su’aasha waxay jawaab teedu tahay marka la helo shacab wada dareemada inay masuuliyad saaran tahay. Dalkooda iyo midnimada dadkooda il marka hore la dhiso siloo helo Qaran halmeel wax u wada.

Hadaan taa lahelin ma waxaan maqalnaa koox Qaran qabiil qeeladooda markay madaxda dawlada eed aanay lahay dusha laga saarayo.

Dadka soomaaliyeed iyagaa warbaahinta ka sheegaya dawladu meel ma xukunto markaa Qofka inaa aamin san muxuu dawlada ku eedeyaa.

Shacabku iyagaa warbaahinta la taagan kooxda alshabaan ayaa meelkasta xukunta halkaa waxaad kagaran kartaa waxa la yiraah shacabka Qaran Qabiil dhaqankooda.

Dadka intooda badan ma garan karaan kooxda Qaran Qabiil aan ka hadlayo ilaa maalintii calan soomaaliyeed la qaatey waxaa jiray kooxda Qaran – Qabiil. Isku day inaad akhriso Taariikhda soomaaliya gaar ahaan dawladii wadanka soomaray wax fashiliyey.

kooxda Qaran – Qabiil intooda badan waxay isku yaqaan wadaniyiin sax ah. Waxay isticmaalaan magacyo wanaagsen sida
Hiil Qaran -Qamiil diid -kacdoonka shacabka , ururka culumada- Madasha Qaranimada.iwm

Waxay ururadaasi ay inta badan ku doodaan inay iyagu yihiin kuwa kaliya ee doonaya in ummadda somaliyeed ka saaraan dhibaatooyinka iyo colaadaha gayigan la haray, ayna ku dhaqayaan nidaam, cadaalad, iyo sinaan, arinkaa waa warka ay warbaahinta ka sheegan .

Madoonayo in Qofka akhrista Falanqeyn tayda uu fahmi waayo u jeedada Qoraalka. ee waxa aan ka hadlayo waa Qaranimo iyo Qabyaalad meel mawada gala’aan?

Maxay Qaranimo somaaliyeed ma in xuduud badeed iyo mid cireed iyo dhul soomaali degto la ilaaliyaa mise waa in la sameeyaa nimaad Qaranimada ilaaliya .oo dawladeed aan ku dhisano.

Dhaqanka hada bulshada soomaaliyeed ka muuqda waqtiga la joogo waa nidaam ku dhisan qabyaalada iyo nin jeclaysiga tan wixii ka dambeyey curashadii dagaalada sokeeye ee ka qarxaday gudaha Dalka Somaliya, dadku wali colaad ayaa ka wuuqata Qaranimo ma muuqato.

Kooxda Qaran -Qabiil si ay lugaha u qabtaan hadba wixii uun Maamul ama dowlada ah ee la soo yagleelo. iyagoo isku Qarinaya Qaranimo Qabiil ka hooseeyo oo ah. Fashili nidaamka bilaamay. Iyo madaxweynaha iyo Raysal wasaarihiiisa aan Qabiil kaaga ahayn.

Arimaha aan soo sheegnay iyo kuwo kaleba waxaa ay cirka ku laaleen in dalka Somaliya laga hirgaliyo nidaam iyo kala dabayn si sahlana loo helo Dawlad Qaran oo ilaalisa xuduudada dalka oo dhan cir dhul iyo bad dhistana ciidan qaran.

Waxaan falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa sidaan wada ognahay waxa ay xiisad ka taagtahay qeybo ka mid ah xuduudda wadammada Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan midda u dhaxeysa magaalooyinka Beled Xaawo iyo Mandheera, halkaasi oo ay ku hardamayeen shacabka magaalada Beled Xaawo iyo ciidammada Kenya ee ku sugan xudduudda.

Arinka dhawr jeer ayuu soo noq noq dey shacabka la sheegayo ee reer Beled xaawo iyagaa markasta dagaal Qabiil dhexmaraa iyagoo qaarkoo waxay taageeraan kooxda alshabaab. Kacdoonka Qaran Qabiil ee ujeedada badan

Marka hore haday dawlada kenya dhul boobayso waa la iska calin karaa waa hadaan dawladeena dhisano oo aan wadooyin keena furano ee hadaan diidanahay in wax maamul ah Gobalka gedo laga dhisan sidee cadow dibada ah isaga celinaa .

Marka hore sow inaan iska qabano maaha kooxda Qaran -Qabiil. ee wajiyada badan

Qaranimadii iyo dawladnimaxii Xuduud lagu wardiyeenayo maxaa marka hore loo diidan yahay inay dawladnimadu ka hir gasho dhulka xuduudku kuyaal.?

Waxaan falanqeyn tayda ku soo gaba gaba gabaynayaa kooxda Qaran -Qabiil
ku adeeg sata itoobiyo iyo kenya ayaa doonaya in ay wareegaan dhul soomaaliya ka tirsan

Waqtiga la joogo arinkaa waxba lagama qaban karo inta dawladkasta oo shacabka soomaaliyeed dhistaan. Lagu burburinayo dano qabiil. oo shaati Qaranimo been ah lagu dhex dhuumanayo.

Hadii banaan bax sax ah jiro halaga banaan baxo. Qaraxa jira. musuq maasuqa wadooyinka xiran magaalo iyo Gobal. Dhibaatada muuqata halaga banaan baxo.
marka hore

markaad ka guulaysataan cadawga gudaha ee nooc yada badan ee maalinkasta noomuuqdo.
dawladnimadana oo la taageero markaa ayaan iska celi karnaa cadowga dibada.

Guntii iyo gaba-gabadii Cadawga qudha ee inaan dawlad dhisano diidan waa kooxda Midaynaya Qaran soomaaliyeed iyo Qabyaalada ku dhisan cadaalad daro. Arinka suurtagal maaha?

Danjire Maxamed Caalim