Dowladda Kenya oo saakay Joojisay dhisamaha Darbiga Xadduuda ee Magaalada Belad-xaawo.

Waxaa maanta degan Xaalada Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, waxayna wararku sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd deegaankaasi isku dhacyo u dhaxeeya Shacabka magaalada B/Xaawo iyo Ciidamada Kenya, taasi oo ka dhalatay Darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Madaxda gobalka Gedo ayaa maanta sheegay in Kenya ay joojisay Dhismaha Darbiga inta ay iska arkayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,maadaama uu xoogeysatay xiisadda ka dhalatay Dhisida Darbigaasi.

Wararku waxay soo sheegayaan in Shacabka magaalada Baladxaawo ay iyana joojiyeen Banaanbaxyadii ay sameenayeen maalmihii la soo dhaafay, kadib markii Ciidamada Kenya ay joojiyeen saakay dhismihii Derbiga ay dhisayeen.

Dhinaca kale waxaa xiriir dhanka Telephone-ka ah yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga ee hada ka socda Xadduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya ee gobalka Gedo.