Ammaanka Madaxtooyada Somalia oo si aad ah u adkeeyay Wadooyinka soo gala iyo kuw ka baxa.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Baraha Control ee ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya VILLA Somalia iyo Guriga Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay bateen Weerarada Qaraxayada ee lagu soo qaado Barahaas Control.

Ciidamada ammaanka ee Isgoyska Wadada Sayidka ayaa shalay ka hor tagay Qarax Gaari loo adeegsaday inkastoo uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana saakay laga dareemaya Isabadal dhinaca amniga difaacyada Ciidanka.

Waxaa saakay aroortii hore lagu arkay Wadada Sayidka Biraha waa weyn iyo gaadiid dagaal oo ah Nuuca Ciidamada oo shalay uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka ayaa saakay ku gooyay labada dhinac ee Wadada ee Gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa ay isticmaalaan Biro waa weyn iyo dhagxaan adag waxaana la dhigay Ciidan kale, sidoo kale Baaritaanada Gaadiidka ayaa aad loo adkeeyay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa shalay weerar qarax Gaari ah ku soo qaaday Isgoyska Sayidka oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya OTO OTO iyo Dhismaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka hor tagay Ciidamada Koofi Casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.