Soomaali iyo Carab Maxaa kala heesta

Carab baa masjid inoo dhistay, laakiin masaajidyo innagu filayn waa aynnu lee nahay, dhulka oo dhamina waa masaajid.

Carab baa madrasad Carabida iyo Diinta la gu barto inoo dhistay, laakiin barashada Diinta iyo Carabida wax dhibaato ahi innaga ma haystaan.

Carab baa wadaaddo Diinta innagu dhex faafiya inoo soo dirtay, laakiin weligeen muslin baynnu ahayn, baahi wadaadna ma qabno oo qaar badan baaba bilaa camal ah.

Carab baa kutub Diin iyo Af Carabi ah inoo soo dirtay, laakiin kutub Carabi iyo Diin la ga barto waa aynnu iska ga filan nahay oo wax weyn ma aha.

Carabey, waxaas oo dhan waannu ka haqabla nahay ee wax aannu aad iyo aad u ga baahan nahay in aad lacagtiinna aan gunta iyo gawga lahayn na ga siisaan in yar oo saboolnimada na ga fududaysa.

Wax aannu u baahan nahay in aad na gu caawisaan waxbarasho aannu ka helno aqoon iyo xirfad aannu noloshayada ku horumarsan karno. Wax aannu u baahan nahay in aad ceelal iyo dhawr biyaxidheen oo aannu harraadka ka ga baxno noo qoddaan, kuwaas oo aan idinka waxba idinku ahayn annaga nolol noo ah.

Wax aannu u baahan nahay in aad na maalgashataan, oo aad khayraadka dhulkayaga ceegaaga ee mood iyo noolba leh aad na ga la faa’iidaysataan. Laakiin dhab ahaantii dooni maysaan in aad wax na tartaan, waxa aad caawimada noo gu sheegaysaanna waa carabayn keliya iyo in aad fikir ahaan iyo dhaqan ahaan dabadeed dad ahaan na yeelataan. Sidaa darteed waxba na ma tartaan ee wax baad na yeeshaan, waanad na doqonsataan.

Inta ay si xun ee eegeen oo i ga ag kaceen bay i gu yidhaahdeen “anta khabiith, yaa Ibraahiim! Wallaahi anta khabiith!” Aniguna waan ku farxay xanaaqooda, waayo wax aan tusay in aanay na doqonsan karin. Maxaad ii gu doqonoobi wayday nin ku gu nacay wuu ku ammaanay.

W/Q: Ibraahin-Hawd Yusuf