Muuse Biixi oo khudbad xasaasi ah u jeediyay Golaha wakiilada Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbadiisa sanadlaha ah waxa uu ka jeediyay Golahaha wakiilada Somaliland, wuxuuna uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dhinacyada ammaanka, wadahadalada ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taageerada dalalka caalamka ay ku bixiyaan mashaariicda horumarineed ee Somaliland iyo arrimo kale.

Waxa uu ugu horeyn Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dadaalada dowladiisu ku dooneyso sidii ay waxqabad muuqda ula imaan lahayd mudada ay xilka heyso, isagoona sheegay inuu sharciga baal marsan yahay qoraal dhowaan ka soo baxay xisbiga mucaaradka Wadani ee uu ku laalay guddiga doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa mar uu ka hadlayay wadajadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa si cad u sheegay in iyagu dhinacooda ay joojiyeen shir labada dhinac u furmi lahaa bartamihii bishaan Maarso.

“Wadahadaladii dowladda Soomaaliya iyo inaga noo dhaxeeyay waan joojinay, waayo Dowladda Muqdisho ayaa weerar nagu soo qaaday” ayuu yiri Muuse Biixi oo sheegay in dowladda Somaliland aanay wax shaqo ah ku lahayn dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa ammaanay cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, isagoona sheegay in caalamku ogsoon yahay Somaliland inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Khudbadda Madaxweynaha Somaliland oo ahayd midii ugu weyneyd ee xasaasi ah marka loo eego dadaalada loogu jiro sidii heshiis is afgarad loo dhex dhigi lahaa Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaasi oo horay kabada dhinac isla garteen qaar ka mid ah qodobada ay isku maan dhaafsan yihiin.