Mudey ” Dalku xaalad siyaasadeed aad u qallafsan ayuu ku jiraa…”

Dalka wuxuu wajahay xaalad siyaasadeed aad u qallafsan marka aad qiimayso Warqadaha is burinaya ee kasoo kala baxaya gudoonnada baarlamaanka, Xaaadda Amni darro ee kusoo korortay muddooyinkan magaalada Muqdisho iyo xaaladda adag ee kataagan magaalada Baladxaawo.

Waa markii ugu horreeysay Madaxweyne Soomaaliyeed oo intaa xaaladood uu dalku kujiro muddo maalmo badan aanan kahadlayn wax jawaabana aanan kabixinayn waana ayaan darro in hogaanka dalka uu arrimaha xassaasiga ah uu kahadli waayo.

Khilaafaadka hareeyay Golaha baarlamaanka ayaa waxa uu gaaray heerkiisii ugu danbaysay waxa uuna samayn ku yeeshay hay’adaha kala duwan ee dalka.

Murannada kataagan kala aragti duwnaashaha wuxuu xaalad amni xumo aan abid soo marin uu ku abuuray Magaalada Muqdisho waxaana muuqata in musiibooyin kala duwan ay kadhacayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaan aad uga xumahay in aysan muuqan mas’uuliyad damqasho iyo hogaamin doowlad wanaag bulshadu ay mahadiso.

Soomaaliya ilaah baa umaqan !
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey.