Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo loo diiday dal ku galka Mareykanka iyo inuu ka qeybgalo Shirka Hormarinta Afrika.

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, ayaa loo diiday Dal ku galka wadanka Mareykanka, wuxuuna doonaayay inuu Khudbad ka jeediyo Shirka Hormarinta Afrika ee ka dhacaya jaamacada Harvard.

Madaxweynihii hore ayaa martiqaad ka helay World Affairs for Mainers si uu halkaasi uga hadlo arrimo ku saabsan marxaladda ay Soomaaliya marayso, waxaana diidmada loo diiday Xasan Sheekh dal ku galka Maraykanka loo cuskaday iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay lix dal oo Muslim ah, oo uu Madaweynaha Marayakan Donald Trump ka soo saaray dikreeto taasi oo uu kaga mamnuucay in dal ku galka loo siiyo dadka wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Dhanka kale Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden kadib markii loo diiday in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo, iyadoo Safaarada ay dowladda Sweden ku leedahay Tanzania oo aan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga taas oo keentay in Xasan Sheekh Maxamuud loo diido in la siiyo Visaha Dal ku galka .