Guddoonka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay Xilliga Golaha la horgeynayo Mooshinka (Akhriso)

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka ahna Sii hayaha Afhayeenka Baarlamaanka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in kalfadhiga 3-aad, kulankiisa 3-aad uu dhacayo 31-ka bishaan oo ku beegin Sabtida todobaadka soo socda.

Gudoomiye Muudey ayaa tibaaxay in ajendaha kulanka uu noqon doono Mooshinka ka dhanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa mooshinka ka gudbiyay Mudane Jawaari, waxaana jira Xildhibaano kale oo la safan, kana difaacaya Mooshinka ka dhnaka ah.

Sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka, Mooshinka ayaa loogu talagalay in baarlamaanka lagu hor geeyo 10-Maalin wax aanan ka badneen.

Mooshinka ayaa la gudbiyay 14-kii bishaan, waxa uuna muddo ahaan ku sinnaa waa marka laga soo bilaabo waqtiga uu Gudoomiye Muudey qabtay 24-kii bishaan oo shalay ku asteesneed.

Mudanayaasha Mooshinka gudbiyay ayaa ku doodaya in ay laga bilaabayo waqtiga uu aqbalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo aheyd 18-kii bishaan.

Marka laga soo bilaabo waqtigii uu ogalaaday Afhayeenka Golaha Shacabka Mooshinka, tobanka Ceshe ayaa ku eg Arbacada todobaadkaan, Badi Xildhibaanada ayaa aanan shaqeyn Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, sidaa awgeedna waxaa Sabtida lagu wadaa in la horgeeyo Mooshinka.

Xildhibaanada labada dhinac ayaa wada xod-xodasho uu dhinacba dhinaca doonayo in uu kaga guuleysto Mooshinka, waxayna labada dhinac isdhaafsanayaan Eedeemo ay isku jeedinayaan.