Faah faahin ku saabsan Ciidamada Dowladda oo fashiliyay Gaari siday Qarax duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Siink dheer ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay uu ku Qarxay,Gaarigan oo ahaa nooca raaxada ayaa ku socday waddo qarda-jeex ah oo u dhexeysa degaanka Siinka dheer ee Gobolka Sh/hoose iyo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Wakaalada Wararka ee Dowlada u sheegay in Gaarigani ay ku raad-joogeen Ciidanka ka how-gala Siinka-dheer, taasoo suurto gelisay inay Gacanta ku dhigaan laamaha ammaanka.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray inuu qaraxu dhacay xilli ay Ciidanka ammaanka ay ku gudo jireen baarista Gaarigan laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo halkaasi uu ku dhintay wadahii Gaarigaasi midkalana uu baxsaday.

Dhanke kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in halkaasi uu ku dhintay Wadahii gaarikaasi, halka mid kale oo la socday gaariga siday Walxaha Qarxa uu baxsaday, isagoo ku dhex-cararey xaafadaha kuyaalla halkaasi , waxuuna intaa raaciyay in Ciidamada ammaanka ay kudaba jiraan midka baxsadka ah.