Beled Xaawo; Formaajaa baylihiyey!

Dad waxaa ugu DOQONSAN qofka Formaajo ku taageersan ama ku difaacaya Mareexaannimo ama Daaroodnimo. Sabab?!

Haddii aad labadaa midkood ku difaacee, adigu baddalkeed maxaad ka dheeftaa, oo uu kuu qabtaa Formaajo?.

Maanta waxaa Kenya dhisanee dhul Mareexaan deggan yahay, haddaba, qabyaaladda aad Formaajo ku taageeree, isaga ma ka haysaa: qawda maqashii oo keliya; war dhulka anagaa leh? Qosolba hiillo waa galaa! Maya. Haddaba, maxaad isugu xiijinee, taageerada nimaan kuu ogayn danna kaa lahayn? MAGAG!

Darbiga Kenya dhisayso maanta ma billaaban, ee wuxuu soo socday saddax gu’ ku dhawaad.

Degaanno kale ayuu soo liqay, oo laga soo dhisay, balse, maanta ayuu Beled Xaawo ku yimid.

Sababta Formaajo loo weydiinayo ma ahan, keliya in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, ee waa in uu ka qaybgalay kulan ka dhacay Kenya.

Shirka waxaa la qabtay 25/4-2016, waxaana goobjoog ka ahaa saddaxdii ra’iisul wasaare ee hore, oo ka la ah: Maxamad Cabdullaahi Formaajo, Saacid Faarax Shirdoon iyo CabdiWeli Sheekh Axmad, waxaa ku wehliyey Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamad Xaashi Ugaas Xersi.

Dhanka Kenya waxaa u metelayey Wasiirkii Arrimaha Gudaha General Joseph Ole Nkaissery iyo Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya.

Haddaba, Formaajo waa in la weydiiyo waxa shirkaa looga hadlay, waxa la soo hordhigay, iyagu maxa ay la tageen, aragtida ay gudbiyeen iyo waxa cabashadoodu eheed?.

Ugu dambayn, anoo afhayeen u ah, inta qabiilnimada kugu taageersan waxaan ku leeyahay: Formaajow faruuryaha fur, oo inta aan Soomaali iyo dawlad la gaarin, bal tolka u jawaab, oo la hadal, una sheeg waxa aad ogtahay iyo waxa dhabta ah ee degaanka ka jira ha aamusnaane.

DHAN. Bashiir M. Xirsi