Madaxweyne Farmaajo oo Xalay Xildhibaano iyo Hay’adaha Ammaanka Muqdisho kula kulmay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo xalay la qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Ammaanka dalka, isagoona kala hadlay sidii loo sal dajin lahaa siyaasadda dalka.

Madaxweynaha oo Salaadii Khudbo ku tagay aqalka Madaxtooyada oo uu si KMG ah ugu guuray ayaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta ammaanka iyagoona ka wada hadlay sugidda amniga Caasimadda.

Dhanka Xildhibaanada uu la kulmay waxa uu kala hadlay sidii ay iyana ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha amniga lagu adkeynayo oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in kulamada Madaxweynaha uu Madaxtooyada kula qaadanayay Xubnahaan saacado badan ay socdeen, isagoona kolkii dambe u hoyday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo uu waayahaan ku shaqeynayay.

Dhaliilo dhanka amniga ah oo loo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay wararku sheegeen in uu sabab u ahaa kulankaan, Mana jiro warar rasmi ah oo warbaahinta lala wadaagay oo kasoo baxay kulankaan.

Dowladda ayaa majaha kula jirta Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana xukuumadda lagu dhaliilay in sugidda amniga ay ugu weecatay Mooshinkaasi.

Waxaana Maalin kahor Muqdisho ka dhacay qarax sababay dhimashada dad gaaraya 17-qof, dhaawac ku dhaw 10-ruux, waxayna mas’uuliyiinta ammaanka ay sheegeen in ay wadaan dabagalka qaraxaasi.