Maamulka Hir-Shabelle oo shaqa joojin ku sameeyay Duqii degmada Baladweyne

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shaqa joojin waxa uu ku sameeyay duqii degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladana Hoose ee Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqadii laga joojiyay Duqa Baladweyne,isla markaana xilkaas si KMG ah loogu Magacaabay Cabdi Xuseen Cismaan (Canjeex).

Wareegtada Shaqa joojinta oo ku taariikheysneyd 22/3/2018 oo shalay ku beegneyd laguma sheegin sababta xilka looga qaaday duqii degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale oo Mar soo noqday taliyaha Booliiska Baladweyne.