Howlgal Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda ka wadaan Magaalooyinka Baladweyne iyo Buula-burde.

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Saraakiisha Ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa Ciidamo ay hor kacayaan maanta ku baxay wadadda dheer ee isku xirta magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde oo kawada tirsan Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in u jeedka ciidamadaan uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen isku socodka magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde oo aysan mari karin wadadda dheer ee isku xerta magaalooyinkaasi mas`uuliyiinta Dowlada oo aan wadanin ciidan badan iyo Gaadiid dagaal.

Wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baledweyne iyo Buulo burde, wayna adag tahay in gaadiidka dowladda halkaasi si nabadgelyo ah ku maraan.

Dhanka kale Magaalada Buula-burde ayaa muddo ka badan 4 sano waxaa go`doomiyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna Saraakiisha ciidamada Xooga ay tilmaameen in howgalkaan uu yahay mid ay ku doonayaan in go`doonka looga qaado Magaaladaasi.