Guddi loo saaray weerarkii lagu qaaday guriga Senator C/qeybdiid.

Kukulan ay maanta isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waxay Gudi baara u saareen weerarkii lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Gudigaas oo baari doona sababta ka dambeysa weerarkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban kadib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baaristooda ka soo baxda iyo macluumaadka ay soo ururiyaan.

Golaha Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi, Maadaama Cabdi Qeybdiid uu sheegay inuusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin 5-XUBNOOD ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey Maxamed Amiin Sheekh Cisman halka uu guddoomiye ku xigeen uu ka yahay Axmed Xaashi Maxamuud, guddigan ayaa waxaa xubno ka ah Senatarada kala ah Cabdirisaaq Axmed Cali, Cabdulaahi Sheekh ismaaciil Fartaag iyo Cabdulaahi Cabdi Garuun.