Dowladda Ciyaalka Xaafadda!!

Rubac qarnigii u dambeeyay,waxaan soo aragnay dowladii hogaamiye kooxeedyada, tii Ururada bulshada, tii urur diimeedyada, tii NGO yada, iyo tii Ciyaal Diaspora.

Hadda ma tijaabinaa Dowladii Ciyaal Xaafadeedka?. Bacdamaa ay muujiyeen wadaniyad, iyaga oo qabanaya xilkii ugu muhimsanaa ee masuuliyiinta qaranka, gudiyadii barlamaanka iyo kuwa maamul gobaladyadu dayaceen.

Fiiri 3da Sawir. Ciidamada Kenya Subaxdii waxa ay qodaan god weyn oo ah asaaskii darbiga xatooyada Xuduuda, Ciyaalka Xaafaduna galabtii ayeey godkaa duugaan, shaqadii juuj wamaa juuj ayey Kenyaanka Ku qasbeen, si aan loo dhisin darbigaa xuduud xadida.

Armaan Ciyaalka Xaafada fursad siinaa markaan, si ay Dowlad noogu soo dhisaan.

Vivo Ciyaalka Xaafada!!!.

Qore: Yahya Amir.