Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada militariga dowladda Kenya oo wata gadiidka Taangiyada inay gaareen magaalada Balad Xaawo, kuwaa oo la sheegay in uu ujeedkooda salka ku hayo dharbiga laga dhisayo xuduuda labada dal ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya .

Photo by Gideon Maundu.
Dadka ku dhaqan magaalada Baladxaawo ayaa sheegtay inay arkayeen gadiid fara badan oo ay isticmaalayaan ciidamo ka socda dowladda Kenya, kuwaa oo gaaf wareegayaan gudaha magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo.
Nabadoon lagu magacaabo Idiris oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay isku diyaarinayaan, inay sii wadaan dhismaha darbiga Kenya ay ka dhisayso inta u dhaxeysa Beladxaawo iyo Mandheera.
Wararku waxay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ay sameynayaan barakac, xalada degmada Baladxaawo ay sakay tahay mid cakiran, maadama ay buux dhaafiyeen ciidamo fara badan.
Dhanka kale maamulka degmada Baledxaawo ayaa diiday inay ka war bixiyaan dhaq dhaqaaqa ciidama Kenya ay ka wadaan gudaha magaalada, kuwaa oo shalay xitaa rasaas ay ku fureen ay waxyeelo ka soo gaartay shacabka Baledxaawo ee ka soo horjeeda dhismada darbiga.