Muwaadin heystay dhalashada Norway oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah laga helay Qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka shacabka ahaa ee ku dhintay Qaraxaasi uu ka mid ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Dalka Norway.

Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ehelladiisa waxaa lagu Magacaabi jiray Marxuumkaasi  Xuseen Maxamed Dirir oo ka yimid dalka Norway.

Waxaa sidoo kale la Geeriyooday  oo ay wada socdeen xilliga weerarku dhacayay Wiil uu Abti u ahaa oo isna Lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Urur oo ahaa Bajaajle.

Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxo laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada Hor marta Hoteel Wehliye ayaa inta la Ogyahay waxaa ku dhintay inkabadan 10 qof halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaana Masuuliyaddiisa Dusha u ritay Xarakada Al Shabaab kuwaas oo sheegay in ay la beegsadeen Saraakiil Ciidan , Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan sida ay tilmaameen.