Gudomiye Xaliimo Yarey “Dorashada 2020-ka,waxaa ku baxaysa in ka badan $129Million.”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in gudigooda ku kalsoon yihiin shaqada ay qabteen, iyadoo sheegtay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Gudoomiye Xaliimo Yareey oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Sannadka 2020-ka ka dhici doonta Soomaaliya.

Dhanka kale Doorashada ayay sheegtay inay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna sheegtay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo, iyadoo go’aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka.