Qarax Goordhow ka dhacay Agagaarka Hotel Wehliye oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Waxaa goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Albaabka hore ee Hotel wehliye, qarxaan ayaa sababay inay ku dhintaan 10 qof , sdoo kalana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 2-ruux.

Qaraxaasi ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qaraxa, wuxuuna ruux ka mid ah dadkii ku sugnaa Maqaayad ku taala agagaarka Hotelka wehliye uu warbaahinta u sheegay in Gaari yar uu soo istaagay Maqaayadda, kadibna halkaasi uu ku qarxay.

Dhankakale saraakiisha ammaanka ciidamada Dowladda ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, dadka qaar ayaa qaba dhaawacyo culus,hase yeeshee ma jiro tirakoob sax ah dadka waxyeelada ka soo gaaray qaraxaasi oo ay soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.