Maqaal: BURBURKI OO BILLAWDAY

Su’aasha qof kasta in weydiinaayo waa maxaay sababta keentay in Guddoomiye Jawaari laga keeno mooshin iyadoon la heynin wax eedeyn ah oo howsha uu haayo ama sii heynta jagada Gudd. Barlamaanka ay khatar ku tahay dalka iyo dadka Somaliyeed. Tallaabadaan waxay ka tarjumeysaa in R/wasaare Kheyre uu ismahadiyay wixii uu rabo kaliya ayaa ka socon doona dalkaan.. ciddii isku dayda inay qabato howl uusan asaga oggolaan inay dariishada ka bexeyso.

Fal-fal xumida R/wasaare Kheyre waxay soo shaac baxday markuu hubsaday inaysan cidina ka hadli Karin wixi uu sameeyo, taasoo ahayd isagoo jagooyinki ka qaaday seddax wasiir sabab la’aan uuna weliba ku beddelo kuwo ay isku jufo yihiin sidi iyadoo wasaaradihi ay noqdeen meelo ay jufooyin gaar ah leeyihiin.

M/wene Farmaajo arrintaan marna kama hadlin, taasina waxay markhaati u tahay inuu Madaxweynuhu gadaal ka cabsanaayo waayoo waxaa dadka qaar u muuqatay in guriga loo fadhiyo…gacan gadaal ka cabseysa geed ma goyso.

Ilaa iyo hadda lama haayo dembi uu galay Gudd. Jawaari oo khasbi kara in jagada laga tuuro, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay ku eedeyeen inuu ku tuntay dastuurka, wax tafaasiil ahna kama bixi karaan waayoo garashadoodu ma gaarsiisna heerkaas. Waa dad la soo adeejiyay laakin nasiib darro ka arradan garashadi iyo garaadki wax lagu fulin lahaa.

Riwaayada R/wasaare Kheyre.
Xasan Cali Kheyre markuu ka soo laabanaayay Imaaraatka oo ahayd xilligi la kala saxiixday heshiiska Berbera waxaa loo soo dhiibay dowr uu ka cayaaro howsha socotay oo ahaa inuu markuu Xamar ku laabto iska dhigo qof aan waxba kala socon heshiiska DP World oo la dhammeeyay asaga oo meesha ku sugan, waana loo soo qoray wixi uu ku hadli lahaa. Amarka kale oo la soo siiyay waxaa ka mida inuusan mar kale ka hadli karin arrintaan, wana oggolaaday una hogaansamay awaamirti la soo siiyay mar dambena arrintaas kama hadlin. Waa yaab!!! Maxaa shibiyay!!!

FARMAAJO M/WEYNE MAQANE-JOOGE

Madaxweyne Farmaajo waa maqane jooge aan wax dowr ah ku lahayn howlaha uu haayo R/wasaare Kheyre. Isagana waxaa loo soo dhiibay dowrki uu ku mathali lahaa riwaayada oo ah inuu khubad ka jeediyay xuski maalinta haweenka waxaana loo soo diyaariyay ciidan baambey ah oo markuu laba kalimad ku dhawaaqo hees ku kaba.

Arrinta mushkiladda weyn nagu heysa ee DP World wuxuu ka yiri shan eray oon wax culeys ah ama eedeyn ah aysan ka soo gaarin Imaaraatka waana kuwaa howshoodi si caadi ah uga wata magaalada Muqdisho, maantana ku guuleystay inay kala diraan dowladda dhiciska ah ee dalka ka talisa. Guddoomiye Jawaari dembiga uu galay waa inuu barlamaanka ka ansixyay wixi ay ka baqaayeen Farmaajo iyo Kheyre. Ma la heli doonaa xildhibaano garasho iyo garaad leh oo raadiya sababta loo casilaayo Jawaari iyo cidda jagada uu haayo ay dhibeyso.

M/weyne Farmaajo wixi la moodaayay ma naqan una maleyn maayo inay dowladda maanta jirta ay sii socon doonto hadduusan wax ka beddelin hab-dhaqanka uu dalka madaxa uga yahay.


Axmad Calasow