Falanqeyn Maanta: Maxaa U Diidantahay Mooshinka Jawaari?

Waxaan wada ognahay Bishii Agoosto 2012-kii in Baarlamaan Faderaalka soomaaliya beesha caalamku aqoon satay markii lagu soo xulay habka qabiilka ee 4.5 cabirka ku dhisan.

Waxaa Guddoomiyihii ugu horeeyey noqdey Maxamed cismaan jawaari waxay doorteen Madaxweyne cusub Sebtembar 2012. Bishii Oktoobar 2012 waxaana madaxweynuhu uu soo magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Markaa ka dib Baarlamaanka Federaalka ayaa ansaxiyay ra’iisul wasaaraha cusub iyo golaha wasiirrada bishii November 2012-kii.

Waxa Golaha barlamaanka Federaalku uu helay aqoonsi caalami ah iyo taageero weyn oo ka timid beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha. Waxaa loo ogolaaday dhaqaale aan xadi lahay oo gacanta ugalay Guddoomiye jawaari.

Guddoomiye jawaari waa siyaasigii ugu Fursada wanaagsanaa siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan taas ula jeedaa wuxuu gacanta ku hayey Rajada shacabka soomaaliyeed waa Guddoomiyihii hay’adda sharciga waxaa laga suga yey dib-u-dhiska adeegyada dawladda kadib 22sano bur bur sana in uu tusaale unoqdo bilow wanaagsen.

Xaqiiqda jirta waxay tahay 5sano ee Guddoomiye jawaari xilka hayey Golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa ka muuqata habacsanaan dhinac kasta ah oo aan xaqiiqda la qarin karin.

Maxaa keenay in xarunta Golaha shabacku ahaato meel foolxun oo khilaaf siyaasadeed xarun u noqota.?

Xarunta Golaha baarlamaanku malaha adeegyada caadiga ah sida gargaar caafimaad oo deg dega baabuur ugaara xildhibaanada iyo shaqo maalmeedkooda qalab lagu shaqeeyo sida miisas iyo kuraas.

1: Qolka shirarka gaarka ah Maqaayad laga heli karo adeega cuntada bilicsanaan nimaad oo muujinaysa Magaca (GURIGA UMADDA), intaa waa dhibaatada xarunta ka muuqata oo masuuliyadeed uu qaadayo Guddoomiye jawaari lacaga loogu deeqay xarunta ee deeq bixiyaashu bixiyeen way ka badan tahay. 80milyan $ 2012- 2016 mashruucii Hiigsiga.

2: Arinka labaad ee aa Falanqayn tayda aan farta ku fiiqayo waa markii galaha baarlamaanka Faderaalka ee aduunku aqoon san yahay la aasaasay 2012 -2016. Waxa uu awood u waayey la xisaabtanka madaxtooyada iyo xukumada ilaalinta sharciga.

Waxaa la dilay 19 xildhibaan oo logu dilay siyaabo kala duwan, Guddoomiye jawaari intooda badan aaskoodii kama qayb galin mana muujin xilweyn oo ah xildhibaanadaa la dilay xuquuqdooda dalka ay ku leeyihiin xarunta Golaha baarlamaanka laguma muujin magac yadooda iyo Taariikhdooda, aduunk aan ku nool yahay dilka xildhibaanku Dhinta isagoo gudanaya Hawl Qaran waa in goor kasta la xasuustaa .

Sababtana waa taariikhda oo loogu muujiyo wadada adag ee loo soo maray nabada iyo nolosha Waxaan kaloo tilmaamayaa in Golaha baarlamaanku yahay ilaalinta sharciga markasta Waqtigii 2012 ilaa 2016 waxaa is badal siyaasadeed oo inta badan loo maray wax aan sharciga waafaq saney lagu sameeye in 3 R.iusul wasaare. Xilka laga qaadey 130 wasiir. 4 taliye Nabad sugid. 5 taliye bolice. 3 taliyaha xooga dalk waxaa isbadal ah marna baarlamaanka guddoomiyaha jawaari ka yahay Dood kama furin maxaa keenay in waxaa oo xil ah in lisku bad badalo? Waxeey aheyd in la baaro.

Markaan ka hadlo dhanka dagaalka lagula jiro Ururka Al shabaab Gudoomiye Jawaari, waxa uu aad uga gaabsadey in uu dhaleeceeyo xasuuqa alshabaab shacabka ku hayaan waxaad ka raadin kartiin khudbadaha uu jeedin jiray arinkaa wali waxba la iskama waydiin waana siyaasiga kaliya ee ka tirsan madaxda ugu saraysa dawlada Faderaalka oo aaney waligii weerarin al shabaab arinkana waa wax shaki keeni kara.

Falanqayn taydu maaha wax ka fog xaqiiqda jirta ee waa mid aan fariin ugu dirayo xildhibaanada diidan mooshinka jawaari maxay ka xasuustasn hogaanka liita ee Guddoomiye jawaari maaha inay xukumada Raysal wasaare khayre khaladka la saaro Madoonayno taariikhdii madoobeed ee sanadihii 2012 ilaa 2016 waa in isbadal muuqda lagu sameeyaa golaha baarlamaanka si wax walba dhinaca sharciga looga saxo.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa waxa uu yahay Guddoomiye jawaari hogaankiisu waxa uu ka muuqdaa gudaha dhismaha baarlamaanka iyo dhaqanka xildhibaanada, xildhibaan si shaacsan u caayaya madaxweynaha wadanka soomaaliya uu bayka jirta iyo bur burinta sharciga intaa Tusaale u qaado. Xasuuso taariikhada.

W/Q:Danjire Maxamed Caalim