Faah Faahin ku saabsan qaar ka mid ah Haweenka Nadaafadda G/Banaadir oo lagu buufiyay Sun.

Haween ka shaqeynayay Nadaafada Dagmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa lagu buufiyay Sun, waxaana ku buufiyay Rag watay Gaari Noha ah oo aan taarko lahayn, kaasi oo ka cararay goobtaasi.

Waxaa la sheegay in Haweenka Sunta lagu buufiyay tiradooda ay gaareysay 9-ruux waxaana liidata xaaladda Afar ka mid ah Haweenkaasi oo jirkooda uu isbadalay kuwaas oo loo qaaday Cisbitaalka Erdugan ee Ex Digfeer.

Dhanka kale Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Cusbitaalka Hubaal oo haweenkaasi qaarkood la geeyay oo ku yaala Xaafada Sanca ayaa la sheegay in la baarayo Haweenkaasi waxa lagu buufiyay.