Muudeey: “Xildhibaan kasta oo fasax lahaa waan ka qaaday,waa in la soo laabtaa”.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya sidoo kalena ah ku simaha guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa xildhibaannada  dalka ka maqan ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

C/Wali Sheekh Muudeey ayaa sheegay in mooshin aan lagu talagalin uu horyaallo golaha shacabka Soomaaliya sidaas darteedna ay si deg deg ah ugu soo laabtaan kulanka Baarlamaanka.

Guddoomiye Muudeey ma sheegin xilliga uu furmayo Baarlamaanka Golaha shacabka ee uu ugu horreeyo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in si waafaqsan xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka ay u gutaan shaqada iyo waliba mooshinka,waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay meesha ka saaraan nin jecleysiga islamarkaana ay fiiriyaan kaliya sharafta xildhibaanka uu leeyahay.

Mooshinka ka dhanka ah Goddoomiyaha Golaha shacabka ayuu waqtigiisu ku egyahay 24ka Bishan,waxaana uu soo billowday 14kii bishan,sidaas darteedna Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayey tahay in ay mooshinkaas qaadaan ka hor taariikhda 24ka Bishan.